Allbanaadir.com
NEWS

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Odayaasha deegaanka Bacaadweyn (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan kula qaatay magaalada Gaalkacyo odayaasha dhaqanka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa ku boggaadiyey sida iskutashiga ah ee ay deegaankooda uga difaaceen weerarkii kooxda alshabaab ay ku soo qaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ku daydaan dadka Bacaadweyn, loona midoobo dagaalka lagula jiro argagixisada, si wadajir loogu ciribtiro.

Odayaasha Bacaadweyn ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug warbixin ka siiyey xaaladaha nololeed ee deegaanka, waxayna ka codsadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug in ay ku garab siiso horumarinta kaabayaasha bulshada.

Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo dhowaan ay weerar ku soo qaadeen kooxaha argagixisada ayay dadka deegaanku gaarsiiyeen jab xooggan, iyadoo kooxihii weerarka soo qaaday ay ku fashilmeen damacoodii ay ku doonayeen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo la kulmay Xubno katirsan Golaha Wakiillada Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Weriye Hebed Ma Noqon karo. (W/Q Cabdinaasir Iidle)

admin

Murashax Xildhibaan Mohamed Yusuf oo cambaareeyey sida Farmaajo uu ugu tuntay awood qaybsigii dowladnimada.

admin
Taboola Ads ---