Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/rashiid Janan: “Jubbaland waxba kama khuseeyo xiriirka Dowlada Somalia u jartay Kenya”

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), ayaa beeniyay inuu jabhad ka abaabulayo xudduudda Kenya iyo Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in isaga iyo ciidankiisu ay joogaan duleedka magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo isla markaana uu halkaasi u joogo sidii uu u difaaci lahaa danta dadka danyarta ah ee uu sheegay in gobolka Gedo ay dowladda federaalka ah ku dhibaataynayso.

Mar wax laga weydiiyay eedeynta ah in ciidamo looga keenay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayuu wasiir Janan sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwa maamul-goboleedka Jubbaland ee uu isaga wasiirka ka yahay.

“Dhoobley waa magaalo Soomaaliyeed oo dowlad goboleedka Jubaland ka tirsan, ciidamadayada ayaana joogo. Haddii ay ciidamo ka yimaadaanna kama duwana ciidanka ka imaanaya magaalada Muqdisho oo diyaaradaha lagu soo qaadayo oo shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo lagu dhibaateynayo”, ayuu yiri Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubbaland.

Hadalka Janan ayaa yimid saacado uun kaddib markii dowladda Soomaaliya ay Kenya ku eedeysay in abaabul milatari maalmahan ka waddo xadka Mandera iyo Belad xaawo, iyadoo adeegsanayso Cabdirashiid Janan.

Qoraal ay soo saartay dowlada Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay inay si dhaw ula socoto abaabul militari ee ay dowladda Kenya maalmahan ka wadday aagga Mandera.

Dhinaca kale, C/rashiid Janan ayaa sheegay in Jubbaland uusan waxba ka quseyn go’aanka dowladda Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Switzerland (Sawirro)

Cabdi Cade

Goob ay shir ku lahaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo cirka laga duqeeyey

Caydiid Ali

Xamse Barre oo shirkii labaad la qaaatay gole uu dhowaan ku dhawaaqay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---