Allbanaadir.com
NEWS

Fadeexad soo wajahday Raisul Wasaare ka been sheegay taariikhdiisa Waxbarasho

Dalka Talyaaniga labadii cisho ee u dambeeyey waxaa ka taagneyd fadeexad soo jiidatay indhaha shicib-weynaha dalkaasi, markii ay soo ifbaxday fadeexad ka dhan ah Giuseppe Cont oo ah ninkii lagu waday in loo magacaabo Raisul wasaaraha dalka Talyaaniga.

Giuseppe Conte oo ah 54 jir ku takhasusay qaanuunka, isla markaana loo xushay inuu noqdo Ra’iisalwasaaraha Talyaaniga ayaa wajahaya eedeyn ah inuu ka badbadiyay xogta ku saabsan aqoontiisa.

Waxa uu ku sheegay warqaddiisa aqoonta iyo khibradda uu leeyahay inuu “si dhamaystiran aqoontiisa sharciga ah” ugu qaatay jaamacadda New York (NYU).

Balse haweeney u hadashay NYU ayaa u sheegtay wargeyska New York Times in aanay heyn diiwaan muujinaya in ninkaasi uu wax ka bartay jaamacaddaasi.

Waxay intaa ku dartay in loo ogolaaday inuu cilmi-baaris ka sameeyo maktabadda jaamacaddaasi iyo in bare-sare oo qaanuunka ah uu ku martiqaaday inuu xubin ka noqdo guddiga Joornaalka Sharciga Talyaaniga.

Xisbiga Five Star Movement oo ka mid ah xisbiyada usoo xushay Conte xilka ra’iisal wasaaraha, ayaa ku gacan sayrtay eedeynta, waxaana uu yiri “ma jirto meel uu ku sheegay inuu jaamacadaasi kaso dhammeeyay shahaadada master-ka, balse waxa uu halkaa u joogay inuu si wanaagsan u barto luuqada Ingiriiska.”

Xisbigaasi iyo kan isbahaysiga la ah ee League, ayaa sugaya ogolaanshaha madaxweynaha Talyaaniga si ay u dhisaan dowlad cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo Amar siiyay Golaha Wasiirada iyo Hay’addaha dowlada (Akhriso)

Cabdi Cade

Ciidamada Dowlada oo toogtay Nin gowracay Xaaskiisa oo Xaamilo aheyd !!

Cabdi Cade

Miisaaniyada sanadka 2022 ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la ansixiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---