Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo war cusub ka soo saaray dhulalka Dowladda ee horey la bixiyey

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa sheegay in khubaro iyo guddi baaris loo xil saarayo dhulalka Dowladda ee sida sharci darada loo bixiyey ka dib markii ay cabashooyin ka yimaadeen.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa yiri “Iyadoo la tixraacayo amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) taariikhdu markey ahey 19kii Janaayo 2018 ee uu ku yiri Dhulka Dowladda inaan la hibeyn karin, lana bixin karin, lana wareejin karin.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa qoraalkaas 19ka Janaayo 2018 ku sheegay inuu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimada Muqdisho. Sidoo kale qoraalkii Madaxweynaha ee 19kii Janaayo 2018 ayaa farayey dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

Ugu danbeyntii Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegay in guddigan iyo khubarada loo xilsaari doono inay baaraan dhammaan dhulalka Dowladda ee la bixiyey si ay warbixin dhameystiran uga soo gudbiyaan oo lala wadaagi doono shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo cadeeyay arintii ay uga caroodeen Ergayga Q/M ee Haysom

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Heshiis shalay Muqdisho lagu gaaray

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo xalay ka ambabaxay dalka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---