Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arimaha Dibadda Malawi oo Salaan soo gaarsiiyay Madaxweyne Biixi (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi, Mudane Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar shaqo ku yimi Somaliland.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay xidhiidhka maamulka Somaliland iyo dowlada Malawi ,Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray sidii ay labada dhinac u samaysan lahaayeen xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka iyo isku tashiga dawladda iyo shacbigeedu ay halkan ku soo gaadheen, isagoo xusay in shacbiga Somaliland aanu Afrika iyo caalamka toona ka helin wixii ay xaqa u lahaayeen oo ah aqoonsi buuxa, madaama ay buuxiyeen shuruudihii dawladnimo ee looga baahna.

Dhinaciisa, wasiirka arrimaha dibedda ee Malawi waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha iyo sharafta leh ee dalka loogu soo dhaweeyey, waxaanu madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan uu uga siday madaxweynaha dalka Malawi.

Kulankaa waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca weftigana waxa wasiirka ku wehelinaayey la-taliyaha madaxweynaha Malawi, Mr. Martin Tom iyo William Bambi oo ka tirsan waaxda arimaha dibada ee Afrika iyo Bariga Dhexe ee Malawi.

Ugu dambayn waxa ay weftigu muddada ay dalka ku sugan yihiin la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee dawladda, iyaga oo u kuurgelaya hannaanka ay Somaliland ku horumartay iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta.

Related posts

Daawo Sawirada: Masuuliyiin iyo Shacab badan oo maanta isugu tagay garoonka Muqdisho Stadium

Cabdi Cade

Koox dhalinyaro ah oo gabar 9 jir ah ku fara xumeeyey gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Kheyre oo gudoomiyay Shir Muhiim ah oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---