Allbanaadir.com
NEWS

Iska Hor imaad Goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhw iska hor imaad daqiiqado kooban socday oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya uu ka dhacay xaafado katirsan Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay iska hor imaadka ayaa ka bilowday Xaafadaha Kawaan Bari , waxaana halkaasi ku dagaalamay ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya balse la sheegay in ay u abaabulnaayeen qaab beeleed.

Dagaalka ayaa ka bilowday sida wararka soo baxaya sheegayaan is qab qabsi dhul, waxaana lagu guul dareestay in la xaliyo muranka dhulka la isku heesto oo maanta sababay in dagaal dhaco.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan maanta ka dhacay xaafado kiatirsan Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdi casiis, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in mar kale labada dhinac dagaalamaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Qaraxii maanta lagu dilay Cabdullaahi Cali Waafow

Cabdi Cade

Wasiiro Baahi ka cabanaya oo Codad sir ah laga duubay iyo Loolan Xaaf iyo Qeybdiid oo ….

Cabdi Cade

(Sawirro) Wararkii u dambeeyey Dabkii qabsaday qeybo ka mid ah Isbitaalka Martiini

Caydiid Ali
Taboola Ads ---