Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Guuleed oo Baaq Deg deg  ah kasoo saaray Qaraxii  ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug hadana ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee galabta ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo.

Musharax Guuleed ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay garoonka Cabdulaahi Ciise ee Koonfurta Gaalkacyo ka dhashay khasaaro badan, waxa uuna tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxaasi isagoona caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmay qaraxa.

”Waxaan si adag u cambaareynaya weerarka ismiidaaminta ah ee goordhow ka dhacay magaaladda Gaalkacyo. Xiriiro aan la sameeyay magaaladda waxaan ku xaqiijiyay in khasaaruhu badanyahay,Allaha u naxariisto walaallihii qiimaha badnaa ee ku dhintay weerarkaas bahalnimada ah, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo” ayuu yiri Guuleed

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Guuleed ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka reer Gaalkacyo, waxa uuna shacabka magaaladaasi kunool ugu baaqay in ay feejignaan dheeri ah sameeyaan.

”Waxaan ku baaqaya in gurmad deg deg ah loo fidiyo bulshada reer Gaalkacyo oo ku sugan xaalad adag, sidoo kalana waa in dhexdoodu isu gurmadaan. Waxaan kaloo bulshada ugu baaqaya foojignaan dheeri ah maadaama dhagarta cadowgu ay badantahay xilliyadan oo kale.” ayuu yiri Musharax Guuleed.

Qaraxa galabta ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa galaaftay nolosha saraakiil iyo masuuliyiin kale, waxaa sidoo kale qaraxa khasaaro kasoo gaaray dad doonayay in Ra’isul Wasaare Rooble kusoo dhaweeyaan Gaalkacyo.

Related posts

Dhaqtarad Hindi ah oo ku xeel dheer Cudurada Haweenka iyo Qaliinada oo imaanaysa Isbitaalka Kalkaal 

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaaraha UK oo si dareen leh uga hadlay gubashada Suuqa Hargeysa

Cabdi Cade

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka oo booqday Xadka Soomaaliya & Jabuuti ee Lowya-cado (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---