Qarax Ismiidaamin ah uu fuliyay ruux jirkiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray ayaa ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo gaar ahaan goob la filayay in lagu soo dhaweeyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble .
Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhacay garoonka Cabdulaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo, xili loo diyaar garoobayay soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Rooble oo magaalada kusoo wajahnaa.
Ruuxa waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa beegsaday goob ay joogeen saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya, Ciidamo iyo masuuliyiin kale, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro badan.
Saraakiisha qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Qooje, Taliyaha Ciidanka Danab qeybta Galmudug, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Mudug ee Puntlnad iyo masuuliyiin kale.
Qaraxa ayaa sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad kale oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana isbitaalada magaalada la geeyay dad ku dhaawacmay qaraxan xoogan.
Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah