Waxaa halkii ugu hooseysay gaaray xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ay xukuumadda Soomaaliya qaadday tallaabooyin is xigxiga oo jawaab u ah faraggelinta joogtada ah oo ay Kenya ku hayso arrimaha guddaha ee Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa December 15dii xilli saq-dhexe ah ka sheegay warbaahinta dowladda federaalka in xukuumadda Soomaaliya ay xiriirki u jartay Kenya. Go’aanka xukuumadda waxuu ku soo beegmay xilli uu madaxweynaha Somaliland ku suganaa Nairobi kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Kenya.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa qasriga rasmiga ah ee madaxtooyada Kenya ku qaabbilay Mudane Muuse Biixi. Wadahadallo qaatay labo maalin kaddib waxay Somaliland iyo Kenya qalinka ku duugeen heshiisyo dhowr ah, oo taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo socdaalka, sida ay tabisay warbaahinta Kenya.
Dhanka kale, Mudane Muuse Biixi waxaa si diiran u soo dhoweeyey hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, waxuuna munaasibad casho sharaf ah ka sheegay in labada dhinac ay wadaagaan xiriir soo jireen ah, loona baahan yahay in la kobciyo xiriirkaas, ayna mudan tahay Somaliland inay hesho “aqoonsi”! Goobta waxaa ku sugnaa murasharrax Xuseen Xalane oo ka tirsan Madasha Musharraxiinta Madaxweyne ee dhowaanahan ku shirsanaa Hotel Jaziira, Mogdisho!
Waxaa xusid mudan in mar uu shir jaraa’id ka hadlayay Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal abbaarnayd xiriirka ay Soomaaliya u jartay Kenya!
Heshiisyada la shaaciyey oo ay wada-gaareen Kenya iyo Somaliland waxay duullaan bareer ah ku yihiin qarannimada, Dastuurka, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Kenya waxay si rasmi ah u oggolaatay in “Basaboorka” Somaliland lagu soo geli karo dalkeeda, taasoo ka dhigan in Kenya u aqoonsatay Somalilnad dal “madaxbanaan”.
Hadabba aamuska Madaxweyne Xassan Sheikh iyo ka qayb-galka Murashax Xusseen Xalane munaasabad loogu ololeenayo “gooni-isutaagga” Somaliland maxaa lagu fasiri karaa?
Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Kenya ay dadaal ugu jirto in ay Nairobi ku kulansiiso xubno ka tirsan Madasha Musharraxiinta, Madaxda Puntland iyo Jubbaland, waxaana ku biiraya kulankaas xubno ka tirsan wafdiga Somaliland ee tagay Nairobi. Waxay ka shirayaan dhinacyadaas arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii Mudane Faysal Cali Waraabe Nairobi uga qayb galay shirk ku saabsan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Kenya oo kaashanaysa dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dadaal ugu jirta sidii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay uga hor-istaagi lahayd in dib loo doorto! “Imaaraadka ayaa maalgelinaya fidnadda Soomaaliya, halka Kenya ay leedahay farsamadda, Somalidana yihiin gacantii fulinaysay” sidaas waxaa yiri Dr. Cabdiraxmaan Bashiir.
Ilo diblomaasiyeed ayaa sheegaya in Kenya ay ka walbahaarsan tahay cadaadis goboleed, kaddib markii Soomaaliya ay u ashtakootay ururka IGAD ee Afrikada Barri. Waxaa lagu madlan yahay kulan madaxeed ka dhacaya Jaabuuti December 20, 2020. Waana sababta keentay in dhammaan heshiisyada ay Kenya la gashay Maamulka Somaliland fulintooda looga dhigay bisha Maarso, kuna beegan marka uu dhamaado muddo xilleedka Maamulka Farmaajo!
Waqtiga loo qabtay fulinta heshiiska dhexmaray Kenya iyo Somaliland waxay waafaqsan tahay hadalkii Ku-xigeenka Madaxweynaha Kenya William Ruto oo horey u yiri in arrimaha u dhaxeeya labada dal ay kala xaajoon doonaan madaxweyne aan ahayn Farmaajo [oo ay keensan doonaan].
Ilo Amniga Soomaaliya ka tirsan ayaa xaqiijinaya in mudaharaadkii “HUBAYSNAA” ee ka dhacay is-gooyska Afarta jardiino ay soo abaabuleen Madasha Musharraxiinta. Waxaa la rumaysan yahay inay uga gollahaayeen in rabshado lagu abuuro, si farriin loo gaarsiiyo Beesha Caalamka oo ah inay jiraan qalqal ka dhashay muranka doorshada Soomaaliya.
Haddaba yaa qaadaya masuuliyadda khasaarihii ka dhashay rabshadihii ka dhacday Muqdisho?
Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa yiri “waxii maanta dhacay ma ahayn mudaharaad nabadeed, waxii ka dhashayna waxaa mas’uuliyaddeeda qaadaya dadkii soo abaabulay, weligeed lama arag banaanbax hub (BKM) lagu horsido”. Waxaa xusid mudan in warbaahinta madaxabannaan iyo baraha bulshada la soo dhigay muuqaallo “video” muujinaya dibad-baxayaasha oo ay dhex-socdaan rag guntan “macawiisyo” misna hubaysan oo rasaas ridaya (Shabelle TV – 15/12/20).
Haddaba waxaa jira laba su’aal oo u baahan in ay ka jawaabaan Madasha Musharraxiinta Madaxtinnimadda: (b) Maxaa ku soo beegay mudaharaad hubaysan maalinta Soomaaliya ay u jartay xiriirka Kenya; iyo (t) Maxay mucaaradka Soomaaliya u taageeri waayeen go’aanadda xukuumada ku ilaalinayso madaxbanaannidda iyo midnimada Dalka, halka kuwa Kenya ku taageereen dowladooda talaabooyinka ay ku wiiqayso Soomaaliya?
Aqoonyahan Cabdiraxmaan Bashiir oo musaafuris ku ah dalka Canada ayaa yiri “marka ay dowladaada iyo dal kale ay is hayaan waxaa markasta la taageeraa mowqifka dalkaaga, ee lagu badbaadinayo danaha qaranka”, waxuu tusaale u soo qaatay in uu mucaaradsan yahay siyaasadda gudaha iyo tan guddiga doorashooyinka ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, balse uu taageeray in Jabuuti qaadato mowqif dhan ka ah Imaaradka Carabta, iyo Erateriya!
Haddaba jilayaasha siyaasadda Soomaaliya ma leeyihiin bisayl siyaasadeed oo ay ku kala soocaan ilaalinta danaha qaranka iyo damaca kursi raadiska waallida ku dhisan ee aan dhowraynin “Nabadda iyo Wadajirka Ummadda.”
W/Q Saciid Cabdisalaam
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com