Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

RW Somalia oo kormeeray dhismaha laamiga Cadaado, dhaqaalena ugu deeqay (Sawirro)

Ra’iisal Wasaaraha Somalia mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeeray dayactir ay bulshada reer Cadaado ku samaynayaan wadada lamiga ah ee magaalada dhex marta, waxaana uu Ra’iisal wasaaruhu xusay in xukuumaddu ay taageerayso mashruucaasi isxilqaanka ku bilowday.

Rooble ayaa xusay in xukuumaddu dhismaha wadadan laamiga ah oo gaaraysa inta la qorsheyey in la dhiso ilaa 3-km ay ku bixinayso lacag gaaraysa 200 oo kun oo Doller, si sare loogu qaado bilicda magaaalada iyo hab nololeedka dhaqaale ee bulshada.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bulshada Cadaado ku bogaadiyey inay isxilqaameen ayna bilaabeen dhismaha wadada iyagoo maalkooda ku tashanaya, taageerada xukuumadduna ay ku timid dadaalka ay bilaabeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Gabdho Soomaaliyeed oo Walaalo ah oo ku dhintay Magaalada Columbus ee Dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Axmed Madoobe iyo Ben Fender oo arimo xasaasi ah kawada hadlay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Trump oo amaan fara badan huwiyey dhigiisa Turkiga iyo sababta keentay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---