Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsan xubnaha Midowga Musharixiinta doorashada Madaxweynaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inaysan weli kala caddeyn qaabka Doorashada lagu gelayo, iyadoo muddo xileedka madaxda DF uu gabaabsi yahay.
Waxaa uu sheegay in dalka uu galay marxalad halis ah, isagoo dowladda ku eedeeyey mid ku fashilantay iney qabato doorasho lagu wada qanacsan yahay oo cadaalad ah.
“Madaxda Dowladda waxaa looga fadhiyaa inay xaliyaan tabashada laga qabo doorashooyinka oo ay la fariisato musharixiinta, in Doorashada ay xor ahaato ma aha arrin laga tanaasuli karo, Guddiyada la magacaabay intooda badan waxay ka yimaadeen taageerayaasha hay’adaha dowladda, looma ogola sharci ahaan dadkaasi” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka digay tabashada siyaasadeed lagu xaliyo ciidan iyo awood sheegasho.
“Nin kasta oo yimaada kursiga ugu dambeyn waa tagayaa, Kursiga haddii la joogaya waa in nabad lagu joogo, nabadna looga tago” ayuu Sheekh Shariif oo saaka shir jaraaid ku qabtay hoygiisa.
Dowadda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyey inay isku koobtay talada Doorashada, ayna soo dhoweyeeen, laakiin markii fulinta la gaaray ay soo baxeen khaladaad waaweyn oo aan la aqbali karin.
Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa sheegay in ciidamada dalka ay qeyb weyn ku lahaayeen burburkii Soomaaliya ka dhacay, isla markaana ay haboon tahay in ciidamada aysan qeyb ka noqon loona adeegsan arrimo siyaasadeed.
“Wax aad wadahadal ku heli karto maxaa keenaya inaad ciidamo u soo dirto.?. shalay waad ogeydeen xaafadan siday ahayd, Doorashada Miiska hala soo saaro, Musharixiin ayaan nahay waxaan xaq u leenahay inaan sheegno inuu khaldan yahay hannaanka loo wado Doorashada.” ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaas ku daray in hadii aan doorasho lagu wada qanacsan yahay la helin ay taas horseedi karto in dalku ku laabto halkii uu ka yimid.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com