Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sidee Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab u abaabulay weerar la mid ah kii 9/11 ee Maraykanka?

Nin u dhashay dalka Kenya oo iskuul duullimaadyada lagu barto uga soo baxay dalka Filibiin ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu afduubto diyaarad uuna u duuliyo dhisme dheer oo ku yaalla magaalo Mareykanka ka tirsan.

Cholo Cabdi Cabdullah ayaa sanadkii hore lagu xiray Filibiin isagoo loo heysto eedeymo dhanka hubka ah. Dacwad oogayaasha ma aysan magacaabin magaalada uu qorsheynayay inuu beegsado.

Sida laga soo xigtay FBI-da, waxaa hagayay sarkaal sare oo ka tirsan ururka al-Shabab.

Wuxuu sheegay inuusan wax dembi ah ku lahayn dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay, sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters.

Qareenkii difaacayay ayaa shalay oggolaaday in Mr Cabdullah uu xabsiga ku sii jiro iyadoo dacwadiisa la dhegeysan doono bisha January.

Sida laga soo xigtay warbixin ay shalay soo saartay FBI-da Mareykanka, Mr Abdullah, oo 30 jir ah, Talaadadii ayaa laga keenay Filibiin oo loo dhoofiyay Mareykanka si uu u wajaho eedeymo badan oo argagixisannimo ah, oo ay ku jiraan burcad diyaaradeed iyo inuu qorsheynayay inuu dilo muwaadiniin Mareykan ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in Mr Cabdullaahi uu iska diwaan geliyay iskuul duullimaadka laga barto oo ku yaalla Filibiin sanadkii 2016, isla markaana uu gaaray heer sare oo uu ku heli karay leysinka duuliyenimada “si uu u helo tababar ku saabsan inuu fuliyo weerar la mid ah kii 9/11”.

Weerarradii ay hagayeen urruka Al-Qaeda ee 11 September 2001 – oo sidoo kale loo yaqaanno 9/11 – ayaa waxaa lagu fuliyay diyaarado rakaab oo la afduubtay oo lagu burburiyay dhismooyin ku yaalla Mareykanka, waxaana ku dhintay ku dhowaad 3,000 oo qof. Al-Shabab oo xulafo la ah al-Qaeda waxay mas`uul ka yihiin weerarro dhowr ah oo ka dhacaybariga Afrika.

Baarayaasha ayaa sheegay in isagoo u tababaranaya duuliyenimo, Mr Abdullah oo baaritaan ku sameynayay sida loo jabsado qalabka diyaarad ganacsi, ” warbixin ku saabsan dhismaha ugu dheer magaalo weyn oo ku taalla Mareykanka,” iyo sida loo helo dal ku galka Mareykanka.

Duuliyaha ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa howlgal ay al-Shabab wadeen oo lagu mgacaabo “Jerusalem Weligeed Lama Yahuudiyeyn doono,” kaas oo la sameeyay iyadoo looga jawaab celinayo go`aankii Maamulka Trump uu safaaraddiisa ugu raray magaalada Qudus.

“Ku dhowaad 20 sano kaddib weerarkii argagixsanimo ee 9/11, waxaa jira kuwo ay weli ka go`antahay inay geystaan weerarro argagixsanimo oo ka dhan ah muwaadiniinta Mareykanka,” ayuu yiri kaaliyaha agaasimaha FBI William F Sweeney Jr.

Baarayaasha ayaa sheegay in Mr Abdullah uu hagayay sarkaal sare oo al-Shabab ka tirsan oo mas`uul ka ahaa weerarkii sanadkii 2019 lagu qaaday hoteel iyo dhisme ku yaalla caasimadda Kenya ee Nairobi.

Xigasho: BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusomareeb kula kulmay guddoonka labada Aqal (Sawirro)

Cabdi Cade

War cusub oo kasoo kordhay Liiska Masuuliyiinta Mareykanka kusoo rogay xayiraada Socdaalka

Cabdi Cade

Dunida oo qarka u saaran dagaal Saddexaad iyo Ruushka oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---