Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Safiir ajnabi ah oo talo muhiim ah u soo jeediyey Madaxweyne Farmaajo

Danjirihii hore ee dowlada Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, C. Kani Torun ayaa markii u horeysay ka hadlay muranka doorashooyinka oo maalmihii u dambeysay xiisad xoogan ka abuuray magaalada Muqdisho.

“Waxaan rajeynayaa in Madaxweyne Farmaajo muujin doono debacsanaan la mid ah tii ay muujiyeen Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud doorashooyinkii 2012 iyo 2016” ayuu ku yiri danjiraha oo qoraal ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Kani Turan oo xiligan ka tirsan Xildhibaanada golaha shacabka Turkiga ayaa hore u soo noqdey Safiirkii Turkiga ee Soomaaliya xilligii Dowladdii ku meel gaarka aheyd ee uu horkacayey Shiikh Shariif.

Dhinaca kale, Kani oo ka hadlayey jidadka ay saaka xireen ciidamada dowladda iyo culeyska la saaray Musharaxiinta ayaa ku baaqay in la sameeyo tanaasul, maadaama uu sheegay in xiligan Soomaaliya aysan u baahneyn qalaalase siyaasadeed iyo gacan ka hadal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

 

Related posts

Dowladda oo bilaabeysa Dagaal cusub oo ka dhanka ah Al Shabaab iyo ciidamo furumaha…

Cabdi Cade

Wasiir hore oo sheegay in Xanuuno ka qaaday lacago Xaaraan ah uu cunay !!

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo si adag ula hadlay Madaxweyne Farmaajo una diray Fariin culus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---