Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka amniga oo ka hadlay sababta loo xiray maanta jidadka Muqdisho una hanjabaday..

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay sababta loo xiray qaar ka mida wadooyinka Muqdisho iyo saameynta ka dhalatay.

Xasan Xundubey oo ka hadlayey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in wadooyinka loo xiray sababo la xiriira sugida amaanka, isagoo   Saxaafadda ka dalbaday inay iska ilaalayaan waxyaabaha been abuurka ah ee ay qorayaan, ayna wararkooda ku saleeyaan danta dadka iyo dalka.

“Anagu ma dhaheyno hala xiro ama hala joojiyo, laakiin bulshada ayaa kala sooci doonta waxa la faafinayo, waana in waxa la qorayo ay ahaadaan wax dan u ah dadka”. ayuu yiri Wasiir Xundubey.

Wuxuu sheegay inay soo gaareen dhibaatooyinka ka dhashay wadooyinka xiran iyo saameynta ay yeesheen, laakiin ujeedada aysan ahayn in dadka la dhibaateeyo, isagoo ka tacsiyadeeyay dadkii ay saameynta ku yeelatay howlaha lagu sugayo Amniga, isagoo ciidamada faray inay shacabka u turaan. Hoos ka Daawo

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Qofkii u horeeyey ee lagu tallaalay wadne Doofaar oo geeriyooday

Caydiid Ali

Dad loo xirxiray qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Kismaayo

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo saakay la wareegay Deegaan Muhiim u ahaa Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---