Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Soomaaliya oo dhaqaale ugu deeqay dhismaha garoonka Caabudwaaq

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddu ay $200,000 (Labo boqol oo kun oo Doollar) ku bixineyso dhismaha wajiga labaad ee garoonka diyaaradaha Degmada Caabudwaaq.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Galmudug oo galabta booqday garoonka diyaaradaha Caabudwaaq ayaa ku ammaanay bulshada degmadu sida ay isugu xilqaameen dhismaha garoonka diyaaradaha Caabudwaaq oo gaarayay 3KM, kaas oo kala bar ay bulshadu deegaanku dhiseen.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ballan qaaday in dowladdu kaalin hormuud ah ka qaadan doonto dhismaha garoonkan oo muhiimmad gaar ah u yeelanaya Caabudwaaq, Galmudug iyo Guud ahaan dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Caabudwaaq, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda faraca jaamacadda iyo mas’uuliyiinta Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali 28 jir ah oo loo doortay duqa Magaalada Sheffield ee dalka Britain (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kheyre oo la kulmay Ergo ka socotay dalal ay Kenya ku jirto (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mareykanka oo Gantaalada Difaaca ee Thaad iyo Baatriyoot u dirtay Bariga Dhaxe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---