Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Macalinka cusub ee Arsenal oo goordhaw si rasmi ah loogu dhawaaqay

Arsenal ayaa tababare cusub u magacowday goor dhaw Unai Emery kaas oo loo yaqaano Mr. Europa League maadaama uu saddex sano oo xiriir ah u qaaday kooxda Sevilla ee ka dhisan dalka Spain.

46-jirkaan ayaa laga sugi doonaa inuu dib ugu soo celiyo hanaankii wacnaa kooxda Arsenal iyadoo la xasuusan yahay iney fasalka soo aadan ka ciyaari doonto koobka uu khibradda u leeyahay ee Europa League.

Arsenal waxey website-keeda ku daabacday hadalkii ugu horeeyay uu Unai Emery la wadaagay jamaahiirta kooxda isagoo ballan qaaday iney farxad iyo xusuuso waaweyn wada qaadan doonaan.

“Waan ku faraxsanahay inaan kusoo biiro mid ka mid ah kooxaha ugu weyn ciyaarta kubadda cagta. Arsenal waxaa lagu yaqaanaa loogana jeclaaday aduunka oo dhan qaabka ay u ciyaarto, waxey dhiirigalisaa ciyaartoyda da’da yar, waxey leedahay garoon cajiib ah iyo habka ay kooxda u socoto. Aad ayaan ugu faraxsanahay in masuuliyad la igu saaro inaan cutubkaan cusub ee muhiimka ah ka bilaabo taariikhda Arsenal”

“Waxaan la kulmay Stan iyo Josh Kroenke weyna ii cadeeyeen iney hami weyn ka leeyaiin kooxda sidoo kalana ka go’an tahay iney mustaqbalka guulo u keenaan”

Waxa uu noqonayaa tababarihii labaad ee ay yeelato Arsenal tan iyo 1996 ka dib markii ay soo dhamaatay 22 sannadood uu kooxda hayay Arsene Wenger iyadoo Arsenal ay ku dhameystay xilli ciyaareedkan kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League.

Magacaabista Emery ayaa timid ka dib wadahal uu la galay madaxda Arsenal Isniintii, iyadoo kooxda ka dhisan waqooyiga London ay rajeyneyso inuu ku higaamiyo hanashada horyaalka Premier League.

Madaxa maamulka Arsenal Ivan Gazidis iyo Unai Emery ayaa si wadajir ah shir jaraa’id galabta ugu qaban doona Emirates Stadium. Waxaa la fahamsan yahay in 46 jirkaan uu ku hadli karo luqad Ingariis oo asaasi ah laakiin taasi loogama arko kooxda inay dhibaato leedahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo wada abaabulka Dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay tiro madaafiic ku dhacday xarunta Villa Somalia iyo Al Shabaab oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo ka diiday Uhuru Kenyata dalab la xiriira Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---