Golaha Midowga musharraxiinta ayaa walaac xoogan ka muujiyey hub ay sheegeen in 16 illaa 18 -ka bishan loo soo wado Soomaalya.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayey sidoo kale ku sheegeen in hubkaas oo ay la socoto saanad milatari ay dowlada Turkigu qorsheyneyso inay Muqdisho keento.
Waxay sheegeen iney garwaaqsan yihiin ahmiyada tababarka iyo kor u qaadista ay u leeyihiin laamaha amaanka Soomaaliya, balse ay ka walaacsan yihiin xaddiga hub ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan Doorashada ee xasaasiga ah.
“Waxaan walaac ka qabnaa hub iyo saanad milateri oo dowladda Turkiga qorsheyneyso inay soo gaarsiiso qeybta Haramcad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waqtigan xasaasiga ah, Goluhu wuxuu ogaaday in diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo TUAF767 lagu wado inay magaalada Muqdisho keento 1,000 G3 Machine Guns iyo 150,000 oo xabadood” ayaa lagu yiri qoraalkaas.
Hoos ka akhriso qoraalkan oo isagoo Engsish musharaxiintu ay gaarsiiyeen safaarada Turkiga ee Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com