Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday rag ka tirsan Al-shabaab oo dilal ka geystay Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Cumar Aadan Maxamed oo 29 jir ah iyo Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah, kuwaasoo lagu soo eedeeyay ka mid ahaashaha Alshabaab.
Labada nin ayaa sidoo kale qirtay dilal ay ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay kula kaceen labada marxuum ee kala ah:
Saddex Alifle dowladda hoose, Cabdullaahi Maxamed Hilowle oo lagu dilay suuq Boocle, degmada Dharkeynley, taariikhdu markey aheyd 12-10-2019 iyo Dable xoogga, Cali Cabdulle Maxamed oo lagu dilay suuqa Weyn, degmada Wadajir taariikhdu markey aheyd 13-11-2019, iyadoo ciidamada amnigu qabteen dilka marxuumkan kaddib, iyagoo isku dayaya iney baxsadaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com