Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cumar Filish: “Ma aqbaleyno in jidadka caasimada si micno daro ah loogu gubo taayiro”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Max’uud Maxamed (Filish) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay banaanbixii rabshadaha watay ee ka dhacay shalay magaaada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa ka digay in Gobolka Banaadir laga abuuro khalalaaso amni darro oo uu sheegay inaan loo dul-qaadan doonin.

“Dadkii shalay banaanbaxay waxaa ku jiray Maleeshiyaad hubeysan oo hub watay, kuwaasoo kasoo horjeeda Go’aankii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya” ayuu yiri Cumar Filish.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Max’uud Maxamed (Filish) ayaa sheegay wixii shalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Muqdishio aan lagu tilmaami Karin banaanbax Nabadeed.

“Mar hadii dadkeenii uu noqday kuwo ducufo ah oo damiirkoodu adkeyn, kuwo anaga naga mid ah  oo iyaga ay leeyihiin ayaa rabshado bilaabay, Waxaan baraha bulshada ku arkay kuwo Indhaha uu u duuban yahay, waana kuwo u adeegaya Kenya iyo caddowga umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiye Filish. (Hoos ka Daawo)

 

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi uu ku daray inay jiraan dad ay dhibeyso Go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Kenya, kuwaasoo uu qaarkood sheegay inay abuurayaan khalqal, isaga oo banaanbaxayashii shalay ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo dalka burburinayay.

“Marna Ma aqbali doono in wadooyinka caasimada si micno daro ah loogu  gubo taayiro ama rabshado la sameeyo oo ciidankii amniga hub loo soo qaato” ayuu yiri Cumar Filish.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa yimid xilli shalay ay ka dhaceen Muqdisho banaanbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo qasaaro geystay kaddib markii ay isku dhaceen Ciidamada dowladda iyo maleeshiyo ilaalinaysay dadka dibed baxa dhigayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aroos dad badan ka yaabiyay oo ka dhacay dalka Kenya !!(Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

DEG DEG: Beesha caalamka oo War ka soo saartay dagaalka ka sii socda degmada Guriceel

Caydiid Ali

Masuul kamid noqday dadkii ku dhintay Weerarkii lagu qaaday xarunta maamulka Gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---