Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) War-Murtiyeed laga soo saaray kulamadii Uhuru Kenyatta & Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si wadajir ah u soo saaray War murtiyeed ka dhashay wadahadaladii ku dhexmarayey dalka Kenya labadii maalmood ee u danbeeyay, iyadoo Labada hoggaamiye ay isku waafaqeen iskaashi ay ku raadinayaan nabadda gobolka, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada labada dhinac.

1.Marti-qaadka uu Madaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo Waftigiisu ku tageen Kenya ayaa ahayd casuumad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Kenya Mudane, Uhuru Kenyatta, safarkaasi oo qaatay muddo saddex cisho ah, iyagoo wada yeeshay  kulamo muhiim ah.

  1. Labada hogaamiye waxay caddeeyeen sida ay uga go’an tahay inay sii xoojiyaan isla markaana kor u qaadaan xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Kenya, waxayna ay si qoto dheer u lafa gureen in Iskaashiga u dhaxeeya uu salka ku hayo aas-aaska mabaadi’ida gundhigoodu yahay kor u qaadista nabad waarta, xasilooni iyo hodantinimo, iyadoo taasina ku imanaysa iskaashiga Somaliand iyo Kenya.
  2. Madaxweynayaashu waxay caddeeyeen isla markaana ay isla qaateen in masuuliyad weyni ka saaran tahay sugidda nabadda iyo xasilloonida gobolka oo dhan, si taas looga dhabeeyana waxa lagama maarmaan ah inay raadiyaan horumarka dhaqaale ee Bulshada, labada hoggaamiye waxay isla garteen in Somaliland muddadii ay jirtay ay ahayd dal xasiloon oo nabad-gelyadiisu tahay mid laysku halayn karo isla mar ahaantaana ay taasi sabab u tahay aas-aaska hay’addo dawladeed oo awood leh, ka midho dhalinta dimuqraadiyada iyo xoriyatul qawlka, dawladaha Somaliland iyo Kenya waxay sii wadi doonaan inay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan arrimaha horumarinta nabada iyo  kaabayaasha dhaqaale si loo helo jawi barwaaqo sooran ah.
  3. Muddadii uu socday kulanka wada hadaladu waxa ay labada hogaamiye diiradda saareen xoojinta ganacsiga ee labada dhinac iyo iskaashiga diblumaasiyadda, suurta gelinta duulimaadyadda tooska ah ee isaga gooshi doona Nariobi iyo Hargeysa, iskaashiga beeraha, horumarinta xoolaha, iyo Tamarta, sidoo kalena xoojinta iskaashiga marsooyinka Berbera iyo Mombasa.
  4. Labada hogaamiye waxay fareen masuuliyiinta labada dhinac inay ka wada shaqeeyaan heshiis guud, kaasoo ay ku wada shaqayn doonaan dawladaha Somaliland iyo Kenya, kor u qaadista xiriirka soo jireenka ah, wadaagista macluumaadka si meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada, danbiyada Internerka iyo kuwa caalamiga ah ee abaabulan, kor u qaadista Waxbarasahada, Beeraha, Tamarta, Xoolaha, Gaadiidka iyo Tababarada.
  5. Si loo hirgeliyo heshiisyada labada dhiinac waxay labada hogaamiye isla qaateen Jadwal lagu ambaqaadayo arrimahan.
  6. Dawladda Kenya waxay qunsuliyad ka furan doontaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sannadka 2021-ka, sidoo kalena waxay Somaliland isla wakhtigaasi kor u qaadi doontaa xiriirka xafiiska ay ku leedahay Nairobi dabayaaqada bisha March ee sannadka 2021-ka.
  7. Shirkada duulimaadyada ee Kenya Airways iyo shirkadaha kale ee duulimaadyaduba waxay duulimaad toos ah ku tegi doonaan Caasimadda Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sannadka 2021-ka
  8. Masuuliyiinta sare ee labada dawladood ee Kenya iyo Somaliland waxaay fiisayaasha dal ku galka ka qaadan doonaan Madaarada labada dal, habka loo yaqaan (On Arrival) dabayaaqada bisha March ee Sannadka 2021-ka iyadoo arrintaasi ay ka wada hadli doonaan islarmarkaana ay isla jaan goyn doonaan masuuliyiinta ay khusayso, hirgelinta barnaamijyada sida tabarbarka ardayda, dhakhaatiirta, khubarada dhanka beeraha, Kalkaaliyayaasha Caafimaadka iyo xirfalayaasha kale.
  9. Labada madaxweyne waxay si wada jira u ballan qaadeen inay sii wadi doonaan ka shaqaynta nabad-gelyada iyo xasiloonida Geeska Africa, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in argagaxisadu tahay mid halis badan ku haysa Gobolka oo dhan, waxaanay ku baaqeen in si heer Caalami ah looga qeyb-galo, waxaanay taageereen dedaaladda lagula dagaalamayo Argagaxisada Geeska Africa.
  10. Labada hogaamiye waxay qireen dedaalada Kenya ay ugu jirto nabad-gelyada iyo xasilloonida Soomaaliya taasoo keeni karta in dadka Soomaliya ay fursad u helaan inay muujin karaan rabitaankoooda xor ah.
  11. Madaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu Madaxweynaha Kenya Mudane, Uhuru Kenyatta iyo shacabkiisaba uga mahad celiyey marti-qaadka ay u sameeyeen iyo waftigiisa, taasoo ujeedadiisu tahay xoojinta xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyey.
  12. Dhanka kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u rajeeyey caafimaad, cimri iyo dherer, halka uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland sidoo kale uu u rajeeyey nabada iyo xasilloonida waarta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabadhii uu Guursan rabay Wariye Jamal Khashoggi oo diiday Casuumad uu u fidiyay ..

Cabdi Cade

Xukun dal dalaad ah oo lagu fuliyay nin lagu eedeeyay fasahaadinta dhulka iyo sameynta ..

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah:  Jawaari oo Sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in uu is casilo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---