Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mahdi Guuleed: “Kenya waxay Axmed Madoobe saartay culeys xad-dhaaf ah”

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Kenya ay ku soo qaaday Soomaaliya duulaan, faro-gelin qaawan iyo Khalqal gelin amni.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hadalkan ka jeediyey munaasanad manta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

“Kenya markii dadka Soomaaliyeed ay isku dayeen inay la soo baxaan kheyraadkooda in markii la isugu tegay shirkii London ay nagu fureen dood cusub, oo ay bilaabeen inay badeena ku murmaan, oo ay yiraahdaan waa xadgudub dhuleed, taasoo aheyd duulaan qaawan,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay inuu hadda ka hor tagay Nairobi si meesha looga saaro wixii madmadow ah ee jiray, balse muddo kadib markii la gaaray heshiiskaas lagu bahdilay Kenya xildhibaano Soomaaliyeed.

“Burburin dhaqaale iyo hanti dadweyne, sida taawerada shirkadaha isgaarsiinta dalkeena oo ciidanka Kenya uu burburiyey, sidoo kale waxay ka baxeen goobo istaraatiiji ah, si cadawga dadkeena loogu beylihiyo” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay intaas muujineysay dulqaad, balse Kenya ay sii waday dhibaatada ay abuureyso.

“Madaxweynaha Jubbaland Walaalkeen Axmed Madoobe ayey saartay culeys xad-dhaaf ah, iyagoo ku qasbay inuu dood cusub ka keeno heshiiskii uu wax ka saxiixay ee doorashada Soomaaliya, markii  Kenyaanku Alamtara soo dhaafeen, waxaan u yeeranay safiirkeenna, ka dibna xiriirka ayeynu u jarnay” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Dacwad ka dhan ah Kenya ayuu sheegay iney dowladda Soomaaliya u dirtay IGAD, isagoo xusay in shir dhowaan ka dhici doona dalka Jabuuti looga hadlayo dacwada ay Somalia gudbisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tima jare xabsi u galay wiil yar uu tinta si xun uga xiiray !!!

Cabdi Cade

Baarlamanka Somalia oo guda galay Cutubka saddexaad ee dib u eegista Dastuurka (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaano katirsan labada Aqal oo Kulan sagootin ah caawa loo sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---