Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo sheegtay iney diyaar u tahay wax ka bedelka Guddiga doorashada

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in dib u eegis lagu sameeyo xubnaha qaar ee guddiyada doorashada heer federal.

Mahdi Guuleed ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad maanta ka dhacday Tiyaatarka Qaranka oo lagu taageerayay qoondada Haweenka ee golayaasha Baarlamaanka.

Waxaa uu intaas ku daray in hab doorasho dadban in la galo lagu heshiiyay, balse loo baahan yahay in heshiiskaas la meel mariyo oo la fuliyo sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ugu baaqay Maamul Goboleedyada dalka in dhamaantood ay fuliyaan heshiiskaas, wixii tabasho ah ee jirana la isku yimaado oo laga wada hadlo.

Waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin xalinta meeshii dareen laga qabo, qof ama labo qof la bedelo, isla markaana shaqada horay u socoto, waxaana uu muujiyay in mar walba ay diyaar u yihiin gar iyo garowshiyo.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa horey uga biyo diiday guddiyada doorashooyinka heer federal ee ay magacowday DF, iyagoo sheegay iney ku jiraan xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo saraakiil ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Toogasho ka dhacday xarun Ganacsi oo kutaala magaalada El Paso (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidanka Dowladda oo Fashiliyay weerar Al Shabaab xalay ku qaadeen degmada Ceeldheer

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo maalmo kadib ku laabtay Kismaayo laguna soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---