Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga qaaday cutubyo katirsan Kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan guutada Gor Gor oo tababar kusoo qaadanaya xeryo ciidan oo kuyaala dalka Turkiga.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaana garoonka Aadan Cadde ka Sagootiyay ciidankan katirsan Kumaandooska Gor Gor ee tababar ku soo qaadan doona dalka Turkiga.
Ciidamadan loo qaaday dalka Turkiga ayaa horey waxa ay tababar ugu qaateen xerada Turkisom ee kutaala duleedka magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidankan tababar dheeraad ah kusoo qaadan doonaan xeryo kuyaala dalka Turkiga.
Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno loo soo tababaray hoggaaminta ciidamada xooga Soomaaliya.
Dowlada Turkiga ayaa tababar siisa ciidanka dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidanka Kumaandooska ee Gor Gor, waxaana ciidamadan ay tababrka siisay dowlada Turkiga kamid yihiin kuwa ugu awooda badan milatariga Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com