Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo ka bilowday Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa xaafado katirsan magaalada Muqdisho goordhaw ka bilowday banaan bax ay soo abaabuleen taageerayaasha Musharaxiinta, waxaana banaan baxan looga soo horjeedaa   Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  .

Dadka banaan baxa dhigaya oo u badan dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin ” Doorasho Barakac sababta Doonimeyno, iyo hadalo kale oo lidi ku ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Banaan baxan ayaa hada kasoo bilowday xaafado katirsan Degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid, waxaa sidoo kale la filayaa in xaafado kale isugu soo baxaan dadka dhigaya banaan baxa looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo.

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqaya hadalo badan oo lidi ku ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowlada uu hogaamiyo, waxaana laga cabsi qabaa in banaan baxyada kusii fidaan qeybo badan oo Muqdisho kamid ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa saakay xirtay qaar badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho soona dhoob tay wadooyinka ciidamo  si ay uga hortagaan banaan baxyada Muqdisho ka bilowday.

Banaan baxan goordhaw bilowday ay soo abaabuleen taageerayaasha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in magaalada Qabasado ayna socdaan maalmo badan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Afrikaan ah oo caasimadiisa ka mamnuucay dadka wadooyinka ka tuugsada

Caydiid Ali

Mareykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali

Safarka la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Hargeysa oo lasoo dhaweeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---