Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo Xiriirka u jartay Kenya kuna amartay Diblumaasiyiinteeda in dalka ka baxaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  ku dhawaaqday in ay xiriirkii diblumaasiyadeed  u jartay dowladda Kenya oo ay ku eedeesay in faragalin qaawam ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Soomaaliya xiriirka u jartay dowlada Kenya , waxa uuna sheegay Wasiirka in Kenya faragalin ku heyso arimaha Soomaaliya kuna xadgudbeyso madax banaanideeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay dublomaasiyiinta Kenya ee jooga gudaha Soomaaliya in mudo 7-maalin gudahood ay dalka uga baxaan , waxa ayna dowlada sidoo kale fartay diblumaasiyeenta Soomaaliyeed ee jooga Kenya in ay dalka kusoo laabtaan.

Warkan kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa uga sii daraya khilaafka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya , mana jiro ilaa hada wax war ah oo Xukuumada Kenya kasoo saartay go’aankan kasoo baxay Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal katirsan Milatariga Somaliya oo la dilay iyo Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilkaasi

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Dowlada Somalia iyo Hay’adda DFID oo kala saxiixday heshiis shan milyan Dollar oo..

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo si weyn Baydhabo loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---