Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka oo dal Muslim ah ka saaray liiska dowladaha taageera argagaxisada

Mareykanka ayaa maanta Sudan ka saaray liiska madow ee dalalka taageera argagixisada, wuxuuna ku dhawaaqay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka kala dhaxeeya dalkaas, laba bilood kadib markii dalkaas Carbeed uu xiriir la sameystay Israel.

Tallaabadan ayaa albaabada u fureysay gargaar, deynta oo laga cafiyo iyo maal-gelin uu helo dalka Sudan oo hadda ku jira xaalad kala guur siyaasadeed, iyo dhaqaale xumo ay uga sii dartay cudurka COVID-19.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii October ku dhowaaqay inuu Sudan ka saarayo liiska dalalka taageera argagixisada, 27 sano kadib markii Washington ay ugu dartay inay gabbaad siiso kooxaha Islaamiga ah.

Safaaradda Mareykanka ee Khartoum ayaa Isniintii sheegtay in tallaabadan rasmi laga dhigay, islamarkaana xoghayaha arriamaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa xaqiijiyey in ku calaameynta Sudan ee dal taageera argagixisada si rasmi ah looga laabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada oo War kasoo saartay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Caronavirus

Cabdi Cade

Warbaahinta dalalka Carabta oo si weyn u hadal heysa hadalkii Raisul wasaare Xamse

Caydiid Ali

Al Shabaab oo lacago u qeybisay dad ay Dhibaateeyeen Ciidamada AMISOM (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---