Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal caawa ka dhacay Dhuusamareeb xili uu ku sugan yahay RW Rooble

Dagaal khasaare nafeed geystay ayaa caawa ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug kaasoo dhexmaaray ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlada Somalia.

Sida wararku sheegayaan  dagaalkan oo aan la ogeyn sababta uu ku bilowday ayaa dhexmaray ciidamo ku sugnaa bar Kontrol oo gaadiidka lagu baaro iyo ciidamo kale.

Tacshiirad xooggan oo muddo kooban socotay ayaa la sheegay iney ciidamada dagaalamay isku weydaarsadeen magaalada taasoo khal khal badan iyo cabsi ku abuurtay shacabka.

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dagaalamay ayaa la sheegay iney ku dhinteen dagaalkaas halka qaar kale ay ku dhaawacmeen sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan magaalada.

Ciidamada amaanka Galmudug ayaa la sheegay iney gaareen goobta uu ka dhacay dagaalkan oo haatan degan, waxaana shaqaaqadan ay ku soo beegmaysa xili uu caawa ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb wafdi uu horkacayo RW Somalia Maxamed Xusseen Rooble oo galabta halkaas gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo kula kulmay Mr Lionel Laurens iyo xubno la socday

Cabdi Cade

Dayuuradaha Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Golaha Wasiirrada oo meel-mariyay labo Hindise sharciyeed oo loo soo gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---