Wargeyska Standard ee kasoo baxa Kenya ayaa qoray in Madaxweyne Maxamed Farmaajo uu doonaya inuu Kenya kusoo rogo xayiraad adag oo diblomaasiyadeed, hadii aysan dowlada Kenya joojin faragalinta ay ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.
Ilo ku dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa Wargeyska u sheegay in Madaxweynaha laga yaabo in uu ku dhawaaqo in Kenya tahay cadawga Soomaaliya, waxa ayna taasi keeni kartaa in shaqadooda waayaan shaqaalo badan oo u dhashay Kenya oo jooga Soomaaliya.
“Madaxweyne Farmaajo wuxuu dhawaan ku dhawaaqi doonaa Kenya inay tahay cadow, taasna waxay ka dhigan tahay in ka badan 100,000 oo qof inay si toos ah shaqadooda u waayi karaan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya iyo dowladdu waa inay xal u helaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatadan, ”ayuu qoray Waregeyska.
Wargeyska warkan qoray ayaa xusay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu doonaya inuu Kenya kusoo rogo xayiraad adag oo diblomaasiyadeed ah haddii Nairobi ay ku sii socoto faragelinta siyaasadeed ee doorashada iyo arimaha gudaha.
Maamulka Madaxweyne Farmaajo ayaan ku faraxsaneyn sida Wargeysku qoray xiriirka ka dhaxeeya Dowlada Kenya iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo mucaarad ku ah dowlada Federaalka.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan eriday danjirihii Kenya u joogay Soomaaliya waxayna dib ugu yeertay wakiilkeedii Nairobi, waxa ayna Soomaaliya ku eedeysay Kenya inay faragelin ku hayso howlaha doorashada ee Jubaland.
Soomaaliya ayaana shaacin faahfaahinta faragelinta Dowlada Kenya ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya, waxaana eedeynta Soomaaliya beenisay dowlada Kenya oo war qoraal ah soo saartay.
Khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo sii xoogeesanaya ayaa laga cabsi qabaa in saameyn xun ku yeesho shacabka labada dal ee ku kala nool gudaha Soomaaliya iyo Kenya.
Dowlada Soomaaliya ayaana horey u mamnuucday jaadka miirowga ee laga keeno dalka Kenya, waxa ayna arintaasi saameyn dhaqaale oo xoogan ku yeelatay beeraleyda jaadka Kenya, waxaana Soomaaliya hada la keenaa Jaadka laga soo dhoofiyo Itoobiya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com