Allbanaadir.com
NEWS

Shaqaale Badan oo laga erayay Wasaarada Amniga iyo Xildhibaan Ducaale oo Sabab u noqday

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu wargaliyay 26-shaqaale shaqaale oo Heshiis kula jiray Wasaarada Amniga Gudaha in waqtigooda dhacayo dhamaadka bishan.

Shaqaalahan oo mudo sanado ah ka shaqeenayay Wasaarada Amniga gudaha Soomaaliya ayaa mushaarkooda waxaa bixinayay Hay’addaha Qaramada Midoobay, waxa ayna qaadanayeen lacag ka badan mida ay qaataan shaqaalaha caadiga ah.

Sida aan xogta ku helnay shaqaalahan hada lagu wargaliyay in Wasaarada Amniga isaga tagaan ayna raadsadaan shaqooyin kale ayaa mar kasta loo cusboonoosin jiray heshiiska shaqo ay kula jireen Wasaarada Amniga.

Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in Shaqaalaha sababta halka mar loo beegsaday in ay tahay in uu shaqada keenay aadna isugu dhaw yihiin Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Shaqaale badan oo aad ugu dhawaa Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa laga eryay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaa sidoo kale Wasaaradaha qaar laga eryay shaqaale iyana ku dhawaa Wasiiradii saaxiibada la ahaa Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daacish oo baahisay sawirada kooxdii fulisay weerarkii Moscow (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Mucaaradka oo dib uga baxay xarunta Degmada Howlwadaag oo caawa qabsadeen

Cabdi Cade

Farmaajo oo raali gelin ka bixiyey dhibaatadii loo geystay gobolada Woqooyi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---