Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta Villa Soomaaliya kulan casho Sharaf ah kula qaatay gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal iyo xubno katirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug. Waxaana kullanka sidoo kale goob-joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenadda 1-aad iyo labaad ee baarlamaanka Galmudug.
Kullankan oo uu sidoo kale lagu casuumay Gudoomiyaha baarlamaanka xilkiisu dhamaaday ee Dowlada Federaalka, Maxamed Mursal, ayay dadka intooda badan u arkeen kullan jawaab u ah kulan uu horey xubno katirsan baarlamaanka Galmudug ula qaatay reysulwasaarihii hore ee Soomaaliya, hadana ah musharax madaxweyne ee Xasan Cali Kheyre.
Kheyre ayaa isbuuc kahor kullan casho sharaf ah la qaatay xubno 70-meeyo gaaraya oo katirsan baarlamaanka Galmudug. Waxaana muuqaalo lasoo galiyay baraha bulshada ay muujiyeen xildhibaanada oo Kheyre ku amaanaya dhisitaanka baarlamaanka maamulka Galmudug, iyo waliba doorashada madaxweyne Galmudug Axmed Qoor-qoor.
Xildhibaanadda ayaa Kheyre ku tilmaamay inuu yahay Xaqle, mudana in lagu xusuusto, laguna abaalmariyo isku keenista iyo dhisitaanka maamulka Galmudug.
War qoraal ah oo lagu qoray bogga Facebooga ee Xasan Cali Kheyre ayuu Khaire ku sheegay inuu xildhibaanada Galmudug ay ku heshiiyeen sii wadatiinka dhismaha maamulka Galmudug. Wuxuuna Kheyre yiri:
 ”Kulanka xildhibaannada waxaa markale iigu cadaatay in Galmudug ay ku jirto gacan ammaan ah oo lagu kalsoon yahay, waxaana ugu danbeyn ku balannay inaan si joogto ah isaga kaashanno xoojinta dadaallada lagu horumarinayo dhismaha dowladnimada maamulka Galmudug iyo guud dowladda Soomaaliya.
 Hadalkan ayaa sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ka agdhow madaxweynaha abuuray cabsi lasoo daristay madaxweynaha, wuxuuna maalmihii tagay ku mashquulsanaa inuu xiriiro la sameeyo madaxweynaha maamulka Galmudug, iyo gudoomiyaya baarlamaanka, si uu wax uga weydiiyo kulanka Kheyre ee walaaca badan abuuray.
Madaxweyne Farmaajo oo u muuqdo mid ka jawaabaya kulankii Kheyre ayaa ugu danbeyn xalay abaabulay kulan casho Sharaf ah oo lagu casuumay gudoonka iyo Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.
Villa Soomaaliya iyo dadka ka shaqeynaya ololaha soo noqoshada Madaxweyne Maxamed Farmaajo, ayaa cabsida ugu xoogan ka qaba tartanka uga imaanaya Xasan Cali Kheyre oo ay u arkaan inuu yahay musharax la qeybsan karo dhamaan guulaha ay rabaan inay ololaha ku galo Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com