Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Casuumay Xildhibaanada iyo Gudoonka Baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo Muqdisho ku sugan.

Kulanka Casho sharafta waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo Gudoonka iyo xildhibaano badan oo katirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Masuuliyiintii kala duwanaa ee ka hadlay casho sharafta ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed dalka iyo sidoo kale isbadala waa weyn ee xiligan ka jira deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Casho sharaftan Madaxweynaha Soomaaliya u sameeyay Gudoonka iyo Xildhibaanada Galmudug ayaa kusoo aadaya xili habeeno kahor casho Sharaf u sameeyay Xildhibaanadan Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Kheyre oo saaxiibo badan ku leh Xildhibaanadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiinta oo War ka soo saaray ergayga Midowga Afrika u soo Magacaabay Somalia

Caydiid Ali

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Mandheera iyo howlgal socda

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo booqashidii ugu horeysay ku tegay Addis ababa, lana kulmay.. (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---