Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo lagu dhaliilay Casho Sharaftii uu ka diiday Madaxweyne Deni

Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay Go’aankii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble xalay ku diiday in uu ka qeyb galo casho sharaf sagootin ah oo loogu sameeyay Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa diiday casho sharaf uu Madaxweynaha Puntland u sameeyay xalay , waxa uuna Rooble sheegay in uusan dooneyn in uu ka qeyb galo casho sharafta maadaama fashil kusoo dhamaaday qorshihii uu u tagay Puntland.

Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaana si weyn u hadal haya go’aanka Ra’isul Wasaare Rooble ku diiday in casho sharafta loo sameeyay uu ka qeyb galo, waxa ayna inta badan dadku ku dhaliileel Ra’isul Wasaaraha diidmadaasi.

Inta badan dadkii ka hadlay arintan ayaa ku tilmaamay siyaasad xumo go’aanka uu qaatay Ra’isul Wasaare Rooble, waxa ayna dadka qaar sheegeen in go’aankaasi uu ahaa mid ka yimid Villa Soomaaliya laguna amray in uusan tegin casho sharafta.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in Caro iyo Cunto la diido aysan ku jirin casharada siyaasada Soomaaliya, waxa uuna fariintan ku durayay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa maanta isaga soo tagaya magaalada Garawe isagoona kusii jeeda deegaanada maamulka Galmudug, Waxaana guul daro kusoo dhamaaday wadahadalo dhax maray  Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkadaha Diyaaradaha oo looga digay in Garbahaarey usoo qaadaan Guddigii uu Rooble Magacaabay

Cabdi Cade

Ciidamada NISA iyo kuwa Shisheeye oo howlgal ku dilay Saraakiil iyo Xubno kale oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Wafdigii ka socday dowlada Qatar oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---