Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa warqad dacwo ka dhan ah Dowlada Kenya gaarsiisay Urur Goboleedka IGAD, waxa ayna Xukuumada Soomaaliya ku eedeesay Kenya in faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya ayaana si weyn uga carootay martiqaadka dowlada Kenya dalkeeda ugu sameesay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi oo maanta gaaray Kenya lana filayo in beri la kulmo Madaxweynaha Kenya.
War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitterka Wasaarada arimaha Dibadda Somalia ayaa lagu sheegay in Dowlada dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD Cabdalla Xamduuk oo sidoo kale ah Ra’isul Wasaaraha Sudan.
Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya qoraalkan ay baahisay ayaa lagu sheegay in shir ay isugu imaanayaan Urur goboleedka IGAD dalka Jabuuti 20-ka bishan looga hadli doono arintan ku aadan dacwada Soomaaliya ka gudbisay Kenya.
Khilaafka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa meel xun gaaray, waxaana labada dal dhawaan u kala yeerteen safiiradooda, waxaana Xukuumada Soomaaliya ku eedeesay Kenya iyo faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com