Allbanaadir.com
NEWS

R/W Rooble oo caawa diiday ka qeyb galka Casho Sharaf uu sameeyay Madaxweyne Deni

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa ka cudur daartay in uu ka qeyb galo casho sharaf lagu sagootinayay Wafdiga Ra’isdul Wasaaraha hogaaminayay oo maalmahan ku sugnaa magaalada Garawe.

Madaxaweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa xarunta Madaxtooyada Garawe ku sameeyay casho sharaf uu ugu tala galay in lagu sagootiyo Ra’isul Wasaare Rooble iyo wefdiga la socday.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaana diiday in uu ka qeyb galo casho sharafta Madaxweyne Deni ku sameeyay Madaxtooyada, waxa uuna sheegay Rooble in casho sharafta aysan macno sameeneyn maadaama fashilmeen qorshihii uu Garawe u tagay.

Rooble ayaana caawa intii casho sharafta ka socotay Xarunta Madaxtooyada Garawe ay ka qeyb galeen Wasiiro la socday waxa uu kormeer ku maray qeybo kamid ah magaalada Garawe, isagoona kula kulmay qeybo kamid ah bulshada Garawe.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku guul dareestay qorshihii uu u tagay magaalada Garawe ee ahaa in uu ku qanciyo Madaxweynaha Puntland in uu soo magacaabo Guddiga doorashada sidoo kale ogolaado sida dowlada u wado doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii lala beegsaday Macalimuu iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Cabdi Cade

Daawo:-Kulankii Baarlamaanka iyo Buuqii ka dhacay intii uu Farmaajo hadlayay

admin

(Sawirro) Deni & danjire C/fitaax C/hi Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---