Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, oo gaadhay dalka Kenya ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Nairobi, iyadoo madaxweynaha iyo weftigiisana loo gelbiyey Hotel Kempinski.
Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa garoonka ku soo dhaweeyey wasiirka beeraha Mr. Peter Munya iyo wasiiru-dawlaha arrimaha dibeda, Mr. Ababu Namwamba iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda dalka Kenya.