Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Xukuumada Kenya.
Wasaarada arimaha Dibadda Kenya ayaa sheegtay in Madaxweynaha maamulka Somaliland beri oo isniin ah kulan gaar ah la qaadan doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana la sheegay in labada masuul kawada hadli doonaan arimo dhoor ah.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la dejiyay hotel gaar ah oo loo diyaariyay, waxa uuna halkaasi kula kulmay masuuliyiin katirsan dowlada iyo marti sharaf kale.
Safarka Madaxweynaha maamulka Somaliland ku tagay magaalada Nairobi ayaa kusoo aadaya xili uu meel xun marayo xiriirka u dhaxeeya dowladaha federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Kenya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com