Kulan Baarlamaanka Carabta ku yeesheen magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arimaha Doorashada oo qabsoomideeda wali muran badan ka taagan yahay.
Bayaan kasoo baxay kulanka Jaamacada Carabta ayaa dalalka dariska la ah Soomaaliya looga digay in ay faragalin ku sameeyaan doorashada , Baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaana si gaar ah ugu digay dalalka doonaya carqaladeynta Doorashada Soomaaliya.
” Diidmada dhammaan faragelinta ay qaar ka mid ah dalalka dariska la ah iyo qaar gobolka ah isku dayayaa iney carqaladeeyaan hawlaha doorashada la iskugu afgartay qaab dastuuri ah”. ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Jaamacada Carabta.
Baarlamaanka Jaamacada Carabta bayaanka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ku dadaalayaan taageerada amniga , midnimada, qarannimada iyo bedqabka dhul ee Jamhuuriyada Soomaaliya.
Doorashada Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in faragalin ku sameeyaan qaar kamid ah wadamada Dariska la ah Soomaaliya iyo kuwa Carbeed, waxaana doorashada qabsoomideeda wali ka taagan khilaaf u dhaxeeya Mucaaradka iyo Muxaafidka Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com