Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen degmada Sablaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Ururka Al Shabaab.
Warbaahinta dowlada ayaa baahisay in ciidamada howlgal qorsheesan ka fuliyeen gudaha Sablaale gaar ahaan xarun ay Al Shabaab lahaayeen, waxaana saraakiisha Danab sheegeen in howlgalkaasi lagu dilay xubno badan oo Al Shabaab katirsan.
Sargaal katirsan Danab ayaa u sheegay Warbaahinta dowlada in ciidamada galeen xarun ay lahaayeen Jabhada Al Shabaab , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo dhaliyay khasaaro badan.
Waxa uu sheegay sargaalkan in howlgalka lagu dilay 17-ruux oo isugu jira saraakiil iyo dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab, waxa uu sidoo kale xusay in la bur buriyay taliskii Jabhadaha ee halkaasi ku yaalay.
Warka lagu baahiyay Warbaahinta dowlada ayaa lagu sheegay saraakiisha lagu dilay howlgalkaasi in ay ku jiraan Saraakiil Soomaali iyo Ajaaniib ah, waxaana xubnahaasi kamid ah Suleymaan Abuu Maxfuud oo u dhashay Tanzaaniya, Abuu Yaasir Yaxiid oo u dhashay Siiriya iyo  Xasan Maxmed Cismaan oo ahaa Soomaali.
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo howlgalo qorsheesan marar badan ka fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dilay saraakiil iyo xubno katirsan Al Shabaab, howlgalada Danab ayaana dhankooda la sheegaa in uu khasaaro kasoo gaaro inkastoo aan la shaacin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com