Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shalay safar ku tagay magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa ku fashilmay qorshihii uu halkaas u tagay.
Kulan uu maanta Ra’isul Wasaare Rooble la yeeshay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa is fahmi waa kusoo dhamaaday, kadib markii labada dhinac isku fahmi waayeen qodabadii ay kawada hadlayeen.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka codsaday Madaxweynaha Puntland in uu soo gudbiyo xubnaha maamulka Puntland ku matalaya guddiga doorashada si loo guda galo doorashooyinka .
Madaxweynaha Puntland ayaana ka biyo diiday codsiga Ra’isul Wasaare Rooble, waxa uuna Deni hor dhigay Ra’isul Wasaare Rooble labo shardi oo ah in Ciidamada dowlada laga saaro Gedo sidoo kale wax laga bedelo guddiga doorashada Heer federaal ee dooda laga keenay.
Kulanka labada dhinac dhax maray ayaana kusoo dhamaaday natiijo la’aan, waxaana labada dhinacba is hor dhigeen shuruudo midbo midka kala ku adkaaday, waxa ayna u balameen kulamo kale.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u muuqda mid ku fashilmay qorshaha uu u tagay Puntland oo aheyd in uu ku qanciyo in ay soo magacaabaan guddiga doorashada sidoo kale aqbalaan sida Villa Soomaaliya u wado qaban qaabada iyo maamulida doorashada.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo isbaheysi hoose leh ayaa ka biyo diiday in ay soo dhameestiraan guddiyada doorashada ku matalaya, waxa ayna labada maamul dowlada ku xireen shuruudo ay ugu horeyso in maamulada Gedo lagu wareejiyo Jubbaland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com