Allbanaadir.com
NEWS

Hal milyan oo doolar oo loo qeybinayo Deegaanada Fatahaaduhu saameeyeen (Daawo Sawirada)

Gudoomiyaha guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in kulan ay maanta ay isugu yimaadeen guddiga iyo guddi ay baarlamaanku usoo magacaabeen la socodka howlaha guddigu qabanayo.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa shir gudoominayay Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka, Cabdiweli heekh Ibraahim Muudeey ayuu sheegay Mudane Khadar in falanqeyn dheer kadib leesta gartay in deeqaha la haayo loo qeybiyo deegaannada dhibaatadu ka jirto si dhaqsa ahna loola gaaro.

“Lacag hal milyan oo doolar ah ayaan u qeybinnay geynna doonaa deegaanada iyo goobaha ay fatahaaduhu dhibaatada ka geesteen. Xildhibaanno ka socda baarlamaanka oo loo xil saaray in ay la socdaan howlaha gargaarka ayaa kor joogteyn doona oo la socan doona sida gargaarka loo bixiyay”, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Gargaarka lacageed iyo gargaar kale oo isugu jira Teendhooyin iyo Mara Kaneecooyin ayaa la gaarsiinayaa deegaannada dhibaatadu ka jirto ugu danbeyn maalinta Khamiista ah ee soo socota si loo badbaadiyo qoysaska daadadku dhibaateeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano dowlada Mucaarad ku ah oo ku shirsan Imaaraatka Carabta

admin

Ra’isul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Mombasa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in Dacwad lagu soo oogo Farmaajo kana baxo Madaxtooyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---