Maxkmadda Sare ee Puntland ayaa manta mar kale dhegeysatay Dacwad ka dhan ah 8 xildhibaan oo dhawaan baarlamaanka Puntland ka qaaday xasaanadda.
Maxkamadda waxaa maanta horyimid afar mudane oo kala ah Cabdicasiis Siciid Gacamey, Saleebaan Faarax Ciise, Max’uud Axmed Caalim iyo Cabdiqani Abshir Jaaamc.
Garyaqaanka guud ee Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa 8 mudane ku eedeyay burburin hanti iyo dastuur jabin, balse qareenada u doodayay xildhibaanada ayaa sharci darro ku tilmaamay eedeynta garyaaqaanka.
Xildhibaanada xasaanadda laga qaaday ayaa sheegay in ay horey u codsadeen in kiiskooda uusan gelin guddoomiyaha Maxkmadda sare, maadaama ay wadeen qorshe ka dhan ah Maxkamadda sare iyo inay qaraabo yihiin guddoomiye xigeen koowaad ee Baarlamaanka oo ay ay iska soo horjeedeen.
Maalmaaha soo socda ayaa Maxkamadda sare ee Puntland waxay ku dhawaaqi doontaa xukunka kiiska loo haysto 8 mudane ee xasaanadda laga qaaday sida masuuliyintu maxkamadu sheegeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com