Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa gor dhow oo duhurnimadii ah ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo laga maqlay meelo badan.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee na soo gaaraya qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamada DF oo marayey agagaarka Ex-dugsigii sare ee Banaadir oo ku yaalla wadada isku xirta isgoyska Km4 iyo tarabuunka.

Ciidamada amniga DF oo goobta gaaray ayaa wadada xiray, iyagoo halkaas ka wada howlgalo, welina lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan oo la aminsan yahay iney ka dambeysay Al-Shabaab.

LA SOCO WIXII WARAR AH EE KU SOO KORDHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ibraahim Dheere oo xilka la wareegay si toos ahna u shaqo bilaabay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Loolankii Kenya & Jabuuti ee Golaha amaanka QM oo lagu kala baxay

Caydiid Ali

Dalal Soomaaliya ay ku jirto oo loogu deeqay Lacag aad u badan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---