Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qalab aqoonsanaya Wajiyada Tuugada oo lagu rakibay Dukaamo caan ah !!

Qalab tijaabo ah oo ay ku jirto tiknoolojiyad aqoonsaneysa wajiyada dadka tuugada ah – oo lagu xiray 18 bakhaar oo ay leeyahay shirkadda iibisa cuntada ee Co-op food – ayaa kiciyay cadho ay muujinayaan dadka u dooda ilaalinta xuquuqda gaarka ah ee shakhsiyaadka.

Qalabkan ayaa markii bakhaarrada iyo dukaamada lagu rakibo ayaa loogu talagalay in uu durbadiiba soo saaro dadka horay loogu diiwaan galiyay liiska tuugada ee dowladda.

Waxaa qaab tijaabo ah loo geeyay xarumaha ganacsiga ee ay ka dhacaan falalka ugu badan ee ay tuugada geystaan.

Tiknoolojiyadda qalabkan ku jirta ayaa qeylo dhaan sameyneysa marka meesha lagu rakiyo uu soo galo qof horay loogu yaqaannay “fal xatooyo ah ama in uu leeyahay dabeecad dadka liddi ku ah”.

Mas;uuliyiinta dukaankan qalabkaas lagu tijaabinayo ayaa sheegay in ujeeddadu ay tahay sidii shaqaalaha looga ilaalin lahaa weerarrada geystaan tuugada dukaamada wax ka xadda.

Hase yeeshee, ururrada u dooda ilaalinta xuquuqda gaarka ah ayaa dhankooda sheegay “inay aad uga walaacsan yihiin” tijaabadan.

Mahruucan waxaa billaabay suuqa Co-operative ee dhinaca koonfureed, kaasoo si madax bannaan u shaqeeya balse ka tirsan silsiladda dukaamada Co-op, wuxuuna maamulaa ilaa 200 oo bakhaar oo ku kala yaalla koonfurta England. Dhammaan dukaamadaas ayaa hal astaan isticmaala.

Tiknoolojiyaddan waxaa wali loo adeegsadaa bakhaarradaas laakiin lama qorsheynayo in lasii ballaariyo oo dukaamo kale la gaarsiiyo, sida ay shirkadda mashruucan wadda u sheegtay BBC-da.

Shirkadda caalamiga ah ee ilaalisa xuquuqda shakhsiyaadka u gaarka ah ayaa warqad ay shirkaddan u dirtay ku weydiisay su’aalo ku saabsan sharci ahaanshaha tiknoolojiyaddooda.

Agaasimaha hay’adda dhowrista xuquuqda shacabka ee lagu magacaabo Big Brother Watch, Silkie Carlo, ayaa yidhi: “Waa niyad jab in la arko shirkad si qarsoodi ah tiknoolojiyad ugu adeegsaneysa aqoonsiga wajiyada dadka, gudaha UK.”

Bakhaarrada noocaas ah ayaa dhibaato weyn ku qaba saameynta ka dhalata xatooyada loo geysta oo soo noqnoqota.

Tiknoolojiyadda loo adeegsado aqoonsiga wajiyada waxaa ku gadaaman su’aalo iyo muran xoog leh. Arrimaha ay doodda ka taagan tahay waxaa ka mid ah sida loogu kala xaqiijin karo jinsiyadda dadka iyo midabbadooda kala duwan.

Waxaa sidoo kale walaac laga muujiyay in ay bannaanka soo dhigto arrimo kale oo dadka khaas u ah.

Bishii August waxay maxkamad ku taalla UK sharci darro ku tilmaantay in booliska ay tiknoolojiyaddaas adeegsadaan kaddib markii ay dacwad ka gudbisay hay’ad u ololeysa xuquuqda rayidka.

Dalka Mareykankana, shirkadaha waaweyn ee tiknoolojiyadda, sida Amazon iyo IBM, ayaa ayaa joojiyay adeegsiga qalabka wajiyada lagu aqoonsado, si ay sharci dajiyeyaasha fursad ugu siiyaan inay go’aan ka gaadhaan sidii qaab sharciyeysan loogu isticmaali lahaa.

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa baajiyey shirkii wada tashiga ahaa ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo?

Caydiid Ali

Guuldaro kale oo soo wajahay Xisbiga Jamhuuriga ee uu ka soo jeedo Trump

Caydiid Ali

(Akhriso) Jabhadda ONLF iyo Madaxweynaha DDSI oo todobo qodob ku heshiiyey

Caydiid Ali