Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre sidoo kale hada ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa oo booqasho ku jooga dalka Ruushka ayaa la kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka .
Kheyre iyo Wasiirka arimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa kulan gaar ah ay qaateen uga wada hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka iyo isbadalada dhaqan dhaqaale ee ka socda Geeska Afrika.
”Waxaan maanta kulan qado Sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika. Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka ka socdo.” ayuu yiri Musharax Kheyre.
Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre hadana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa olole siyaasadeed kawada dalka dibadiisa, waxaana la filayaa in uu gaaro wadamo kale lana kulmo madax kala duwan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com