Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Madaxweyne oo Dhaqaale la’aan xoogan lasoo daristay !!

Haweeney u sharaxan xilka Madaxweynaha dalka Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay lasoo daristay dhaqaale la’aan , xili doorashada Madaxweyne ee dalkaasi lagu wado in ay dhacdo 14-ka bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2021.

Nancy Kalembe , oo ah haweeneyda kaliya ee isku soo taagtay xilka Madaxweynaha dalka Uganda ayaa sheegtay in ay joojisay ololaheeda doorashada, waxa ayna cadeesay in ay lasoo daristay dhaqaale la’aan sidaasna u joojisay ololihii ay waday.

Haweeneydan oo la hadashay Telefishin kuyaala dalka Uganda ayaa caawinaad weediisay shacabka dalkaasi , waxa ayna xustay in wali u harsan yihiin degmooyin  dhoor ah oo ololaheeda aysan gaarsiin balse dhaqaale la’aan xoogan hada lasoo daristay.

Waxa ay sheegtay Nancy Kalembe , in aysan isaga bixi doonin u tartamida xilka Madaxweynaha dalka Uganda, waxa ayna tilmaantay in dib u qaabeyn ku sameyn doonto olalaha doorashada xili waqtiga haray uu aad u yar yahay.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo talada dalkaasi haya mudo 30-sano ka badan ayaa mar kale u sharaxan qabashada xilkaasi, waxaana sanadkan la tartamaya 10-musharax uu ku jiro Fanaan dhalinyaro ah oo nafta keenay Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ukraine oo walaac ka muujisay qorshe halis ah oo Ruushku ka damacsan yahay dagaalka

Caydiid Ali

Shiikh Shaakir: “Waxaan rabnaa in la dhameeyo khilaafka dowlada & Ahlu Sunna”

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo hal Shardi ku xiray in ay la shaqeeyaan Maamulka Taalibaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---