Xabsi ku yaalla gobolka Indiana ee dalka Mareykanka ayaa xukun dil ah lagula fuliyay Brandon Bernard oo 40-sano jir ahaa, ninkan ayaana lagu helay dambi dil uu geestay sanadkii 1999-kii.
Maxkamadda ugu Sarreysa dalka Mareykanka ayaa laashay daqiiqadihii ugu dambeeyay cod la doonayay in lagu sii daayo ninkan xukunka dilka ah lagu fuliyay, waxa ayna Maxkamada diiday in ninkan dilka geestay la cafiyo.
Brandon Bernard, ayaa isaga oo aad u da’yaraa dil u geestay lamaanayaal u dhashay Mareykanka, waxaana ninkan kahor inta aan la dilin sheegay in uu aad ugu xun yahay lamaanayaashii uu dilay 20-sano kahor.
Amarka dilka ah ee lagu fuliyay maxbuuskan sanadaha badan xirnaa ayaa waxaa bixiyay Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Donald Trump, waxaa sidoo kale la filayaa kahor inta Trump uusan xilka ka degin in xukun dil ah lagu fuliyo dad kale oo horey loo xukumay.