Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo nin 70 jir ah ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Tayeeglow

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ku toogatay shalay galab nin lagu magacaabi jiray Isxaaq Xasan Daa’uud oo 70 jir ahaa ka dib markii ay ku riday xukun dil ah.

Ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu ku shaqeysan jiray Sixirka iyo inuu kala geeyo ragga iyo dumarka.

Qaadiga maxkamadda ayaa fagaaraha xukunku ka dhacayay  ka hor sheegay in ninka la dilay uu dadka kala geyn jiray marmarka qaarna uu isku soo dhoweyn jiray isagoo adeegsanaya sixirka.

“Isxaaq Xasan Daa’uud ayaa ayaa muddo 20 sano ah ku shaqeynsanayay  Sixirka isagoo dad badan dhibaato ugu geystay, ugu dambeyntii ciidamada Xisbada ayaa goob fagaare ah ku toogtay Saaxirka oo shareecada Islaamka fartay in la dilo” ayuu yiri qaadiga Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xareynta Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Golaha Shacabka oo laga shiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhaqtar Ajanbi ah oo ku xad gudbay Gabar Soomaaliyeed oo Muqdisho ka cararay

Cabdi Cade

Muxuu salka ku hayaa heshiiska Puntland la saxiixatay Shirkadda Frontier Service Group?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---