Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Odowaa oo si kulul uga hadlay saraakiishii lagu laayey Galmudug

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa si adag uga hadlay saraakiishii dhawaan lagu laayay weerar ka dhacay duleedka degmada Guriceel.

Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidamada xoogga  ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka saraakiisha Ciidamada, isla markaana uu rajeynayo in gacanta lagu soo dhigo, lana horkeeno cadaalada.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in dilkaas aan lala xiriirin karin Arrimo qabiil, hase yeeshee ay ka dambeeyaan Al-Shabaab oo horay dalka uga geystay weeraro iyo qaraxyo ay ku waxyeeloobeen mas’uuliyiin dowladeed &  Shacab.

“Saraakiisha la dilay waxay ahaayeen saraakiil Qaran oo aan qabiil shaqo ku laheyn, qiimo weyn ayeyna ku lahaayeen ciidanka Xoogga dalka ILAAHAY ha u naxariisto” ayuu yiri Taliyaha.

Hadalka Taliyaha ayaa Imaanaya xili weerarkii ka dhacay Galgaduud lagu dilay saraakiil tiradooda gaarayso ku dhawaad 6 qof, kuwaasoo la sheegay in ay ka soo baxeen xerada tababarka Xoosh ee magaalada  Guriceel, Maleeshiyaad hubeysan ay rasaaseeyeen, xilli ay marayeen deeganka Balihowd oo u dhexeeya Guriceel iyo Ballanballe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Dagaalo khasaare geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Marko

Caydiid Ali

(Sawirro) Raisul Wasaare Xamse oo Qaahira kula kulmay dhigiisa Mostafa Madbouly

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---