Morocco ayaa noqday dalkii afraad ee ka tirsan Jaamacadda Carabta ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesho Israa’iil waxaana heshiiskaan garwadeen ka ah dowladda Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa heshiiskan ku shaaciyay bartiisa Tiwitter-ka “Guul kale oo taariikhi ah maanta! Labadeenna Saaxiib ee waaweyn ee Israel iyo Boqortooyada Morocco waxay ku heshiiyeen xiriir buuxa oo diblomaasiyadeed”
Mareykanka ayaa la sheegay inuu ogolaaday inuu aqoonsado sheegashada Morocco ee ku saabsan gobolka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed taa bedelkeedna ay Marocco la heshiiso Israel.
Saxaraha Galbeed Waa dhulka ay isku hayaan Morocco iyo Jabhadda Polisario oo ay Aljeeriya taageerto, oo doonaysay inay samaysato dowlad madax bannaan.
Morocco waa dalkii afraad ee heshiis noocan ah la sameeya Israel tan iyo bishii Ogoosto. Sidoo kale Israa’iil ayaa heshiisyo dhowaan la’gashay dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Suudaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com