Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ee ku sugan magaalada Togwajaale ee gobolka Gabiley ayaa toogasho ku dilay nin kasoo jeeda dalka Itoobiya gaar ahaan Qowmiyada Oromada.
Ninkan la dilay iyo Koox kale Itoobiyaan ah oo xadka kasoo gudbay ayaa ciidamada booliiska ka war heleyn guriga ay ku sugnaayeen, Tahribayaashan Itoobiyaanka oo isku dayay in ay baxsadaan waxaana rasaas ku furay booliiskla Somaliland .
Hal nin oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay rasaasta ciidamada booliiska Somaliland ku fureen Tahriibayaasha sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan.
Waxa uu sheegay Taliyaha in ninkan Itoobiyaanka ah uu ka baxsanayay ciidamada booliiska oo ku raad joogay in ay soo qabtaan Tahriibayaal kasoo jeeda Qowmiyada Oromada ee kasoo jeeda Itoobiya.
Tahriibayaasha Itoobiyaanka ee soo gala gudaha Soomaaliya ayaa mararka qaarkood dhibaatooyin kala kulmaan deegaanada iyo magaalooyinka ay ku safraan, waxa ayna Itoobiyaankan nolol usoo raadsadaan magaalooyin kuyaala Somalilad iyo Puntland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com